ninka afdubka loheystay
Waxaa saaka Xoriyadiisii dib u heley C/laahi C/qaadir Warsame  oo ka soo jeedey degaanada Maamul goboleedka Gal mudug, waxaana bartamahii bishan ku soo afduubtay gudaha Magaalada Garoowe kooxo hubeysan oo  ka soo jeeda mid ka mida qabiilada degga Gobolka Nugaal oo dhankooda nin kale looga heysto Galmudug.

Siideynta ninkan ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Puntland, Culumaa’udiinka iyo Waxgarad ka soo jeeda beesha heysatey C/laahi ka dib wadda-hadlo dheeraada oo ay wadda-yeehsan .

Odoyaasha ka soo jeeda beesha Cabdiqaadir Cabdilaahi Xaaji Cusmaan  oo lagu heyto deegaanadda Galmudug ayaa baaq u direy maamulka Galmudug iyo beesha heysta wiilkooda in ay shuruud la’aan ku sii daayaan  sida ay yeeleen

Kiisaskan ayaa shaac baxey ka dib markii ay Maamulka Puntland xukun ku rideen nin loo heyto in uu qaraxyo soo galiyey Puntland oo ka soo jeedey dhanka qabiilada Galmudug.

Samiiro C/raxmaan
SBC International Garoowe