Nabadoon C/qaadir Ibraahim Axmed Xarago oo ka mid ah nabadoonada gobolka Bari ayaa faah faahin ka bxiiyay kulan ay dhowaan isaga iyo nabadoono kale kula qaateen Badda dusheeda ciidanka ladagaalanka Burcad badeeda u jooga badaha ku xeeran Puntland ee Nato.

Waxa uu Nabadoonku tilmaamay in kulankaasi uu ahaa mid wada tashi ah uuna ku yimid casuumaad ay ka heleen ciidankaasi una soo mariyeen Wasaarada dekedaha iyo ladagalanka burcad badeeda.

“Waxan nasiib wanaag la kulannay Markab Turkish ah oo ay saaran yihiin ciidan Muslimiin ah, kana tirsan kuwa Nato ee ladagalanka Burcad badeeda u jooga Soomaaliya, dhamaan waxyaabihii aan iska wareysanayna waxay noogu dhamaadeen si wanaagsan” waxaa sidaasi yiri Nabadoon Xarago xili uu wareysi siinayay Barnaamijka Xulka Wararka ee Idaacada SBC.

Dhageyso Wareysiga nabadoonka.RIIX AMA DAAR

Arimo badan ayuu sheegay Nabadoonku in ay isla soo qaadeen kulankaas ayna ka mid ahaayeen xaaladaha iminka burcadbadeeda, isagoo sheegay in ay warbixin ku siiyeen ciidankaasi in iminka ay siweyn hoos ugu dheceen dhaq dhaqaaqyadii kooxahaasi burcad badeeda ah, balse loo baahan yahay in la siiwado howlaha lagula dagaalamayo dhanka badda iyo berigaba..

SBC International News Desk.