Nabadoonada Gobolka Bari ayaa ka hadlay dagaalada ka socda magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubada hoose .

Nabadoon Abshir Dhagcas oo ka tirsan nabadoonad agobolka Bari ayaa la hadlay SBC International, isagoona baaq ka diray arinta dagaalka kismaayo ka socda maalintii labaad.

Dhageyso: RIIX AMA DAAR :

Nabadoonka ayaa ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya dowlada Federaalka iyo masuuliyiinta gobolkaas in ay u istaagaan sidii loo demin lahaa xiisada ka cusub Kismaayo.

Waxaa kale oo uu sheegay in dadka jubooyinku soo mareen dhibaatooyin badan oo nooc walba leh xiligana aan dib loogu celinin wadahadal meel la isugu yimaadana la sameeyo.

SBC International Boosaaso