Maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa Maanta dib u dhigtey dhegeysiga dacwad u dhaxaysa Wasaarada Warfaafinta Puntland iyo Idaacada Sahan Ee Magaaladda Garowe,

Dowlada Ayaa kusoo dacweysey warbixin ay ka qoreen sababaha keenay in uu baaqdo dabbaal deggii xuska Kowda Agoosto ee lagu qaban jirey Barxadda Garowe.

Eedeymaha Wasaaraddu usoo jeedisey Radio Sahan ayaa Waxaa Kamid Ahaa In dowlada Puntland dhaqaale daro soo food saartey taasna ay keentey in munaasabada 1 August Ee Lagu Qaban Jiray Barxadda Ay baaqato.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ayaa sheegay inuusan weli helin eedo macaquul ah oo ka dhan ah Radio Sahan, sidaas darteed kiiskaas dhegeysigiisa dib loo dhigay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in Dastuurka Puntland qabbo in lays dhaliilo, xoriyatul-qowlkuna furan yahay.

Gudoomiyaha Suxufiiyiinta Puntland ee MAP, Faysal Khaliif Barre, ayaa isna sheegay in ay wa lagu farxo tahay in sharciga ay ku kala baxaan Saxaafadda iyo Dowlada Puntland.

Gudomiyaha Saxafiyiinta Puntland Feysal Khaliif Barre.

Gudomiyaha Saxafiyiinta Puntland Feysal Khaliif Barre.

“Ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP ayaa waxay dhamaantood ku faraxsan yihiin isla markaasina ay soo dhawaynayaan in Dowladdu ay qaadato go’aan qaan-gaarnimo ah oo cabasha ay ka qabaan saxaafada u gudbiyaan si sharci ah” ayuu yiri Faysal.

Waa Markii Ugu Horeysay Oo Intaan Ognahay Maxkamad La soo tago Madaxda Idaacad Ku Taalla Gudaha Puntland Taas Oo La shooggo Iney war khalad ah Ka Tabisay Xukuumadda.

DHAGEYSO WARBIXIN: