Masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiran iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa hambalyo u diray sanadguurada 36aad ee aas aaska ciidamada Dowlada dalka jabuuti ee ku jira howlgalka Amisom ee Soomaaliya.

Masuuliyiinta oo ka qeyb galay xaflad lagu xusayay maalinta sanadguurada ciidanka Jabuuti ayaa waxa ay ku amaaneen howlgalka ay u joogaan Soomaaliya ciidankaas ka dib markii ay soo bandhigeen ciidanka Waxqabadkooda intii ay ku sugnaayeen dalka siiba gobolka Hiiraan.

Sarkaalka ciidanka Jabuuti u qaabilsan Soomaaliya Col Cali Dheere oo isna hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin joogitaankooda Soomaaliya siiba gobolka Hiiraan, islamarkaana ay aad ugu mahad celinayan soo dhaweynta ay u sameeyeen.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Gobolka Hiiraan ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys, RIIX AMA DAAR