Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Cameey ayaa maanta si kulul uga hadlay Hadal ka soo yeeray Wadamada Ingiriiska, Mareykanka iyo midowga Yurub Kaas oo sheegayay in gobolada Sool Sanaag iyo Ceyn ay yihiin gobolo ay ku muransan yihiin Puntland iyo Soomaaliland.

Shir Jaraaid oo uu madaxweyne ku xigeenku ku qabtay gudaha madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana uu kaga hadlay arintaas iyo tan duulaanka ah ee ay Soomaaliland ku soo qaatay gobolada ka tirsan Puntalnd

Waxa uu Sheegay Madaxweyne ku xigeenku in Gobolada Sedaxda ah ee SSC ay yihiin gobolo Puntland ah, dadka ku dhaqanna ay yihiin dad Puntland u dhashay.

Waxa uu intaasi raaciyay in Duulaanka daan daasiga ah ee Soomaaliland ka wado gobolada ay ka qaadi doonaan sida ugu dhaqsiyaha Badan Talaabo deg deg ah.

Dhageyso Warbixin uu Garowe ku diyaariyay Wariye Maxamed SIciid oo ka hadleysa Arintan. RIIX AMA DAAR