Munaasabad lagu furayay ka talaalka cudurka Dabeysha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe xarunta dowlada Puntland,

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali shire iyo xubno kale oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaarada Caafimaadka Cali C/laahi Warsame iyo hay’adaha ka qeyb qaadanaya talaalka.

Hadalo kala duwan ayaa halkaasi laga soo kala jeediyay waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii halkaasi ka hadashay Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali C/laahi waxaana uu sheegay in dawadan ay tahay ka hortag muhiim u ah caruurta isagoona ku booriyay waalidiinta in ay talaalaan caruurtooda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa isna halkaasi ka hadlay bulshada horteedna isku talaalay dhibicdii ugu horeysayna siiyay ilmo yar oo halkaasi ku sugnaa.

Waxa uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Ahna ku simaha Madaxweynaha Puntland in ay tahay nasiibdaro cudurka dabeysha oo dib ugu soolaabtay Soomaaliya balse ka hortagiisa ama talaalku yahay mid muhiimad leh si loo ciribtiro cudurkan .

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu ka diyaariyay wariye Maxamed Siciid Yuusuf RIIX AMA DAAR

Sikastaba ha ahaatee waxaa si rasmi ah u bilowday maanta talaalka cudurka dabeysha kaa soo laga talaali doono ilmaha yar yar waxii ka yar 7 jirka

Mxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe