MAdaxweyne kuy xigeen dhagax dhig
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa ka qeyb galay dhagax dhiga xarun cusub oo ay yeelaneyso wasaarada waxbarashada Puntland

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo dhagax dhiga ka dib warbaahinta lahadlay ayaa faah fahin ka bixiyay dhagax dhiga xarunta cusub ee loo dhisayo wasaarada waxbarashada.

Juxa waxa uu sheegay in dhulka laga hirgelinayo xarunta cusub ee wasaarada uu ku yaalo goobtii ugu quruxda badeneyd magaalada uuna uga mahadcelinayo dowlada hoose ee magaalada Garoowe oo kala shaqeysay waasida uu hadalka u dhigaye .

Gen C/samad Cali Shire Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goobtaas ka sheegay in ay ku faraxsan yihiin xaruntan cusub ee ay u dhagax dhigeen wasaarada Waxbarashada islamarkaana ay dowladiisu dadaal ugu jirto sidii loo hirgelin lahaa dhismayaal cusub oo ay yeeshaan wasaaradaha Puntland.

Dhageyso Warbxin dhameystiran oo uu Garoowe ka soo diray Wariye Maxamed Siciid Yuusuf. RIIX HALKAN

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu goobta tacsi ugaga diray dhamaan umada Soomaaliyeed tacsi geeridii naxdinta laheyd ee ku timid alaha u naxariistee Abwaan C/laahi Macalin Dhoodaan, isagoo ugu duceeyay in naxariistii jano alle ka waraabiyo umada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe.