Munaasabad lagu xusayay Maalinta Deegaanka Caalamka ayaa manta lagu qabtay Wasaarada deegaanka Puntland e magaalada Garoowe.

Masuuliyiin farabadan oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cameey iyo weliba Masuuliyinta wasaarada Deegaanka ayaa ka qeyb galay xaflada ka dhacday deegaanka.

Waxaa lagu falan qeeyay arimo badan oo ku saabsan deegaanka iyadoo khubadihi laga jeediyay xaflada lagu muujiyay horumarinta loo baahan yahay in deegaanka lagu sameeyo.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa goobta xaflada xariga ka jaray qorshe dhireyn loogu sameynayo deegaanada Puntland siiba magalooyinka waaweyn ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa goobta ka hadlay oo sheegay in uu soo dhaweynayo howsha qorshaha lagu dhisayo bilicda deegaanka, isagoo taabtay arimo badan oo ku saabsan xaalufka iyo sida looga hortagi lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in dowladu siyaasad cad ka leedahay in la joojiyo xaalufka iyo gubista dhirta laga sameeyo dhuxusha islamarkaana ganaax cad la dul saarayo qofkii ku dhaqaaqa arintaas.

Dhageyso warbixin Faah faahsan oo ay Garowe ku diyaarisay Wariye Adna Axmed Faarax, RIIX AMA DAAR