Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-7-2015 u  dhoofay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nayroobi oo uu ugu ambabaxay safar shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey , Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminayo ku sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha la hadlay warbiihinta, waxaana uu sheegay in dalka Kenya uu u aadayo sidii uu usoo xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya dawladda Puntland iyo Kenya .

” In sha’allah waxaan rajeynayaa inuu noqdo safar kheyr qaba oo guul noogu soo dhammaada , waxaan ku dardaarmayaa in dadka reer Puntland nabadooda, horumarkooda iyo wanaagooda xajistaan ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

” Beryahaan waxaa nala joogay welina nala joogaya Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, wada hadaladii aanu yeelanayna waxaa ay ahaayeen kuwo mira dhalay ” Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa mudada uu ku maqanyaha dalka Kenya kulamo la qaadan doono madaxda ugu saraysa dalkaas, waxaana uu dib ugu soo laaban doona dalka gudihiisa.

Hoos ka dhageyso warbixin.

Daawo sawiradda:

IMG_2573 IMG_2578 IMG_2581 IMG_2582 IMG_2583 IMG_2587 IMG_2589 IMG_2592 IMG_2593 IMG_2596 IMG_2599 IMG_2600 IMG_2606 IMG_2607 IMG_2622