Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Shalay gelinkii dambe magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug kaga qeyb-galay Kullan ay su’aalo iyo talooyin ugu soo jeedinayeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee  ku nool Gobolka Mudug.

Kullanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Waxgarad, Aqoonyahan, Ardayda jaamacadaha, Haween , Siyaasiyiin , Dhalinayaro iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysey oo uu ka jeediyey madasha ka sheegay in magaalada Gaalkacyo uu u yimi sidii ay dhinackasta isaga badeli laheyd loona horumarin lahaa.

‘’ Dawladda iyo dadkeeda oo wada socda meelna uwada jeeda ayaa waxbadan badeli kara , marka waxaan rabnaa isbadelka aan unimi in Gobalka lagu sameeyo inaad nagala qeyb-qaadataan gacana nagu siisaan ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidookale sheegay in magaalada Gaalkacyo ay ka socdaan horumarinta wadooyinka iyo dhisida kaabayaasha dhaqaalaha , si Gobolka Mudug ula jaanqaado horumarka baaxada leh ee ka soconaya Gobalada kale ee Puntland.

‘’ Waxaa kale oo aan rabaa inaan idiin sheego in bishaan dhammaadkeeda uu Gaalkacyo ka dhici doono shirkii midnimada Puntland , dad badan oo reer Puntland ah ayaana imaan doona shirkaas, waxaana uu socon doonaa shan maalmood, marka waxaa laydinka rabaa in dadkaas aad soo dhaweysaan oo martigelisaan ‘’ Ayuu yiri Madaxwynuhu.

Dhammaan dadweynihii ka soo qeyb-galay kullanka ayaa su’aalo kala duwan weydiiyey Madaxweynaha markii uu dhameeyey khudbadiisi , su’aalihii ay shacabku waydiiyeena dhammaantood waa uu ka jawaabay Madaxweyne Dr.Cabdiweli Gaas.

Ka soo qeyb-galayaashi Barnaamijka ayaa si farxadi ku dheehan tahay ugu mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shacabkiisa inta uu soo hor fariistay la wadaagay dareenkooda, waana tallaabo ku dayasho mudan.

Dhageyso wareysi:

DAAWO SAWIRADA:

IMG_7854 IMG_7886 IMG_7888 IMG_7912 IMG_7913 IMG_7917 IMG_7919 IMG_7920 IMG_7924 IMG_7930 IMG_7932 IMG_7936 IMG_7937 IMG_7943 IMG_7946 IMG_7953 IMG_7954 IMG_7958 IMG_7965 IMG_7967 IMG_7970 IMG_7972 IMG_7983 IMG_8012 IMG_8019 IMG_8020 IMG_8029 IMG_8037 IMG_8043 IMG_8051 IMG_8052 IMG_8057 IMG_8084 IMG_8112 IMG_8116 IMG_8117 IMG_8144 IMG_8175 IMG_8178 IMG_8180 IMG_8199 IMG_8224 IMG_8234 IMG_8267 IMG_8313 IMG_8328