Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ka ambabaxay Caasumada Puntland ee Garoowe, wuxuuna ku sii jeedaa Magaaladda Galkacyo ee gobalka mudug,

Wafdiga ayaa deegaanada Laamiga ah ee Nugaal iyo Mudug kula kulmi doono waxgaradka jooga oo uu kala hadli doono baahiyahooda ka dib doorashadiisii.

Madaxweynaha ayay safarkiisan ku weheliyaan in badan oo kamid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada laga soo doorto degmada Xarfo ee gobalka Mudug, halkaas oo hadda laga sugayo.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu caawa ku hakado magaalooyinka Burtinle iyo Xarfo ee Mudug iyo Nugaal, wuxuuna la shiri doonaa waxgaradka magaalooyinkaas oo uu kala hadlayo arrimaha ay ka cabanayaan.

Gudoomiye Ku Xigenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare Oo Goordhow la hadlay SBC Isagoo ku sugan dagmadda Xarfo Ayuu ka waramay Qaabka Ay Ugu diyaargaroobeen Soo Dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha,

 

Dhinaca Kale Amaanka magaaladda galkacyo ee gobolka Mudug ayaa aad loo adkeeyay Waxaanna Wadooyinka muhiimka ah ee magaaladda ka soconaya baaritaano ay sameenayaan ciidamadda Booliska iyo kuwa Birmadka ee gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidamadda Birmadka ee gobolka Mudug Cabdirshiid Xasan Xaashi (Gabi-Gabi) Oo Isna Goordhow inoo waramay Ayaa shacabka Galkacyo ka codsaday iney Ka qeybqaataan Sugidda amniga Magaaladda Galkacyo.