Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Magaalada Boosaaso gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha kaga qaybgalay Munaasibad Balaaran oo lagu daahfurayay Mashruuca lagu dhisayo garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso.

Xafladaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan Saddexda Gole ee Dowlada Puntland,Saraakil ka socday Hay’adda Qanadarasyada u qaabilsan Talyaaniga ‘UNOPS’ ,Waxgarad,Maamulka Gobolka Barri, Culimo’udiin,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad dheer ka jeediyay Madasha ayaa sheegay in marka la dhamaystiro dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu noqonayo garoon ay leeyihiin Soomaali oo idil.

“Waxanu siinay Mashruucaan Shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha oo lagu magacaabo China Civil Engineering Constraction Corporation (CCECC),waa Kambani aad u weyn,waana kambanigii dhisay jidka xadiidka ah ee u dhaxeeya Tansaaniya iyo Saambiya “Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

“Sababta aanu u dooranay waxay ahayd lacagta loogu talagalay Garoonka Cida ugu dhow ee sheegatay ayuu Kambanigu ahaa,Dowlada iyo shacabka Puntland lacag yar ayaa kaga soo aadaysa oo mashruuca lagu kaabayo” Ayuu Markale Yiri Madaxwayne Cabdiwali Gaas.

“Masuuliyiinta kambaniga ninka ugu sareeyana waxa uu ii sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay Puntland u imaan lahaayen anagana jecel in ay noo yimaadan,oo dalka yimaadan isalamarkaana ay maalgashadan lagana shaqeeyo nabadgalyadoo” Ayuu hadalkiisa raciyay Madaxaynaha Puntland Mudane Cabdiwali Gaas .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale sheegay in lagu dhamaynayo dhisamaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso muddo dhan 10-bilood ilaa Halsano,waxana xigi doona garoomada Diyaaradeed ee Magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

“Sanad kabacdi Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah wuu ka hirgalidoona Magaalada Boosaaso” Ayuu Khudbadiisa ku soo xiray Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas .

Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sidookale Sheegay in qalabkii lagu dhisaayo Garoonka diyaaradaha Boosaaso uu yaalo Dalka Jabuuti,dhawaana Boosaaso uu soo gaaryo si ay howshu u bilaabato.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa intaasi kadib booqasho rasmi ah ku tagay Hotel Casri ah oo dhawaan laga hiragalinayo Magaalada Boosaaso,kaasi oo lagu magacaabato Hotel Gacayte.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan Iyo Wariye Axmed Nuune RIIX AMA DAAR

Daawo Sawiro
IMG_5579

IMG_5581

IMG_5583

IMG_5599

IMG_5606

IMG_5618

IMG_5622

IMG_5626

IMG_5636

IMG_5649

IMG_5653

IMG_5670

IMG_5676

IMG_5688

IMG_5689

IMG_5698