Wararka Naga soo Gaaraya Magaaladda Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in Halkaasi laga dareemayo Dhaq-dhaqaaq Xoogan Oo Ku Aadan Soo dhaweynta madaxweynaha puntland oo barito Halkaasi Ku Wajahan,

Wariyaha SBC Ee Galkacyo Ayaa soo sheegaya in Guud ahaan amaanka Magaaladda ay Sugayaan Ciidamadda Booliska iyo kuwa Militeriga Kuwaas oo Qaarkood Baaritaanno Sameynayay Magaaladda Xiliyadda HabeenkiI Ah.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Amaanka ayaa Laga daad gureeyay Magaaladda Garowe waxeyna Mudooyinkii Udanbeeyay Ay Gaarayeen Magaaladda Galkacyo ee gobolka Mudug,

Tagitaanka Madaxweynaha iyo Xumnaha Ka Tirsan Golahiisa wasiiradda ayaa lagu sheegay iney muddo halkaasi ku sii nagaan doonaan iyadoon Galkacyo uu ka dhici doonno Shirweynaha Wada Tashiga Beelaha Puntland Oo Xiliyo Kala duwan Baaqday,

Warar Kala duwan oo Galkacyo naga soo gaaraya ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha Ay in Umaddo ah ay ku sugnaan doonaan Magaaladda Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug.

Hoos ka dhageyso: