Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/raxmaan Faroole ayaa maanta ka amba baxay magaalada Garoowe xarunta maamulka Puntland isagoo u dhoofay dhanka magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya.

Safarka Madaxweynaha uu kaga amba baxay magaalada Garoowe waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo xafiiska madaxtooyada puntland ee garoowe .

Xubno ka tirsan labada gole iyo dadweyne kale ayaa ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha garoowe, waxaana uu la hadlay saxaafada intii aanu ka amba bixin Garowe.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Wariye C/naasir Yaasiin Salaad ka diyaariyay safarka madaxweyne Faroole.RIIX AMA DAAR

Safarka madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu qaato laba Todobaad isagoo mari doona dalal dhowr ah oo Africa ka mid ah.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe.