Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Mxamed Mxamuud Faroole ayaa isagoo ku sugan Magaalada Nairobi xarunta Dalka Kenya ka tacsiyeeyay mid ka mid ah Ganacstada sida weyn looga yaqaan Puntland oo ku geeriyooday dalka Dibadiisa .

Alaha u naxariistee Ganacsade Maxamed Huruuse oo ka mid ahaa Ganacsatada waaweyn ee gobolka bari siiba magaalada Boosaaso ayaa ku geeriyooday dalka Cumaan Habeennimadii xalay ka dib xanuuno soo wajahay,

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu soo gaaray warka ku saabsan geerida Ganacsade Maxamed Huruuse uuna uga tacsiyeeynayo dhamaan Reer Puntland siiba eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday .

“Waxaa la ii soo sheegay geerida Maxamed Huruuse oo ahaa nin magac iyo maamuus ku lahaa umada reer puntland siiba gobolka bari, waxaan ugaga tacsiyeeynayaa dhamaan dadka reer puntland iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Alle Samir iyo iiman ha ka siiyo”

Dhageyso Codka Madaxweyne Faroole .RIIX AMA DAAR