Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Sheegay In lagabilaabo manta (01/06/2014),Dawladda Puntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uu yahay “masiiboqaran.

Kalluumyasiga sharicdarrada ahi waa mushkilad caalami ah oo dhibaato weyn kuhaysa waddamo badan oo xeebaley ah, Soomaliyana ka mid tahay.

Iskudar, waxaa adduunka laga xadaa kalluun qiimihiisa lagu qiyaasay sannadkii inta u dhaxaysa afar (4) ilaasagaal (9) billion oo dollarka Maraykanka ah.

Waddamada ka hooseeya Saxaraha, oo ay Soomaaliya kujirto, waxay ku waayaan kalluumaysiga sharcidarrada ah lacag dhan hal (1) billion oo dollar sannadkii.

Sidoo kale, Soomaliya kaligeed waxaa laga dhacaa kalluun qiimihiisu gaarayo 300 million oo dollar sannadkii,sida ay muujinayaan warbixinno caalami ah oo meelo kaladuwan ka soobaxay.

Nasiibdarro, lacagahaan looma qiimayn qalabka laga burburiyo kalluumasatada, kalluunka laga daadiyo, Dhibaatooyinka soo gaara degaanka iyo saamaynta xun ee ay kuleeyihiin nolol maalmeedka bulshooyinkaas.

Haddaba:
· Markaantixgeliyey,talosoojeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga &Kheyraadka Badda,
· Markaan soo arkay dhibaatooyinka kajira deegaannada xeebaha ee uu keenay kalluumaysiga sharcidarrada ah,
. Markaan tixgeliyey cabashada iyo qeylodhaanta ka soo yeeraysa bulshooyinka xeebaha deggan iyo hey’adaha ku hawlan ilaalinta degaanka iyo tashiilka noolaha badda,

· Markaan arkay qaraarrada iyo heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya la dagaallanka kallumaysiga sharcidarrada ah,Soomaaliyana ay qeybkatahay,

· Markaan ogaaday boobka iyo dhaca lagu hayo kheyraadbadeedkeenna iyo cawaaqibxumada kadhalankarta haddii aan si degdeg ah wax loogaqaban.

Waxaango’aamiyey:

 In lagabilaabo manta (01/06/2014),DawladdaPuntland u aqoonsatay kalluumaysiga sharcidarrada ah in uuyahay “masiiboqaran”,

 In loo jiheeyo awoodda Dawladda iyo bulshada reer Puntland la dagaallanka kalluumasiga sharcidarrada ah,

 In lala tiigsado sharciga cid allaaliyo cidii (Soomaliiyo ajnebiba) ku hawlan kalluumasiga sharcidarada ah biyaha Puntland,

 In Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Baddu ay meelmariso xeerarka kalluumaysiga Puntland,sida ugu dhakhsaha badan.

 In ciidanka ilaalada baddu uguto waa jibaadkooda ku aaddan la dagaallanka kalluumaysiga sharcidarrada ah,kana hawlgalo dhammaan biyaha Puntland Waxaan ka codsanaynaa beesha caalamka iyo waddammada aan saaxiibkanahay in ay gacan nagu siiyaan dagaalka kadhanka ah kalluumaysiga sharcidarrada ah.

Dhageyso Warbixin Warkan la xiririta iyo wariye Maxamed Deeq CabdallaRIIX AMA DAAR

Sawiro
IMG_7734

IMG_7740

IMG_7745

IMG_7747

IMG_7759

IMG_7775
-DHAMMAAD-