2
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta ka warbixiyay Safar shaqo uu ku joogo mudo todobaadyo ah gudaha magaala Ganacsiga Puntland Boosaaso,

Madaxweyne ku xigeen C/samad Cali Shire ayaa shir saxaafadeed ugu qabtay maanta xarunta madaxtooyada Puntland ee Boosaaso waxaana uu ku sheegay ujeedka safarka imaatinkiisa Boosaaso uu yahay sidii uu ugu kuur gali lahaa xaaladaha kala duwan ee Amaanka, Horumarka iyo weliba xaaladaha guud .

Waxa uu Sheegay Gen C/samad in Boosaaso ay tahay magaalo dhaqaalaha Puntland ayna lagama maar maan tahay in la yimaado markii mudo lajoogaba, intii uu ku sugnaana kula kulmay dhinacyo badan .

“Mudadii aanu halkan Joognay waxaan la kulanay gudiyada Nabadgeliyada Heer Degmo iyo Heer gobol, waxaanu kala qaadanay warbixino, waxan la kulanay Lamaha Amanka iyo cidamada Qalabka sida, waxaanu kulankayagii ku dhamaaday si fiican” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen Cabdisamad CAli Shire Xili uu saxaafada Lahadlayay.

Dhageyso:- RIIX AMA DAAR

Maanta oo Khamiis ah madaxweyne ku xigeenku waxa uu Boosaaso kula kulmay Ganacsatada Magaalada Boosaaso ku sugan, waxaana uu sheegay isagoo faah faahin ka bixinayay waxyaabihii ay ka wada hadleen, sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xaalada Amniga guud ahaan Puntland, tan siyaasadeed, dhaqaalaha iyo weliba arimo kale.
1
Waxa uu tilmaamay in siweyn ay isula falanqeeyeen arimaha kor ku xusan, ayna ugu dambeyn ka soo saareen Natiijo is xilqaam iyo wadaninimo ay ku dheehantahay, Balanna ku wada dhigteen,

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire ee ku sugan Boosaaso waxay soo gaareen 9kii bishan, waxayna sheegeen inay u yimaadeen Ukuurgalka xaaladaha guud ee Magaala Ganacsiga Puntland.

 3 GEN C C SIRE

SBC International News Desk