Aqalka Baarlamanka Soomaaliya waxaa maanta ka dhacday Xaflad balaaran oo lagu xusuusanayay dadkuu ku geeriyooday qaraxyadii iyo weerarkii isla socday ee lagu qaaday xarunta baarlamanka

kulankaas waxaa ka qeyb galay Madaxda Sar sare ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Sida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisul wasaaraha Xukuumada C/wali Sheekh Axmed iyo weliba Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxy halkaasi ka soo kala jeediyeen Hadalo muhiim ah oo ku saabsan dhacdadii ka dhacay xarunta Baarlamanka Todobaadkii hore horaantiisii, iyagoo amaanay ciidankii difaacay xildhibaanada baarlamanka, waxayna u duceeyeen intii ku dhimatay weerarkaas, halka inta ku dhaawacanna ay u rajeeyeen in uu alle caafimaad buuxa siiyo.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu muqdisho ka soo diray wariyaha SBC ee Magaaladaas Jeylaani Xuseen.RIIX AMA DAAR