Maamulka Degmada Jowhar ayaa maanta waxa u gudoonsiyay qalab kooxo ciyaareed Kubadda Cagta ah kuwaas oo ka dhisan gudaha magaalada Jowhar.

Maamulka ayaa gudoonsiiyay qalabkan 8 koox oo ka dhisan gobolka, waxaana gudoonsiinta qalabkan uu ka dambeeyay ka dib heshiisiin la dhex dhigay, kooxahan oo ay dhex tiilay xiisado ciyaareed iyo isku dhacyo.

Munaabasabad kooban oo lagu gudoonsiinayay kooxahan qalabka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka gobolka siiba gudoomiyaha gobolkaasi Shabeelaha dhexe isagoo ugaga jeediyay halkaas khudbad cajiib aheyd oo dar daaran iyo heshiisiin isugu jirtay.

dhageyso Warbixin ay Jowhar ku diyaarisay wariye Maka beela.RIIX AMA DAAR

Mid ka mid ah ciyaartoyda ka ciyaara gobolka kana mid ah midkood kooxaha la gudoonsiiyay qalabkan ayaa amaanay wax qabadka ay u muujiyeen masuuliyiinta maamulka isagoo ku tilmaamay mid lagu farxo oo soo dhaweyn weyn mudan.