Masuuliyiinta-gobolka
Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed galan iyo Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa Maanta kulan saxaafadeed ay ku qabteen guriga gobolka Magaaladan Boosaaso waxa ay kaga hadleen Dhacdadii kooxo hubeysan ay shalay ku weerareen xawaalada Kaah Express xafiiskeeda Boosaaso.

Waxa uu sheegay duqa degmadda Boosaaso oo ugu horeyn saxaafada lahadlayay in ka dib falkaasi ay ciidamada Amaanka iyo masuuliyiinta Maamulka u guda galeen howlgalo lagu dabagalayay kooxahaasi kuwaas oo ay ku guuleysteen in ay ku soo qabtaan ninkii hogaaminayay kooxdaas oo lagu magacaabo C/qaadir Xasan Dabliqe.

Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Maxamed Galan ayaa isna ka sheegay shirka jaraaid in cadeyn lagu hayo ninkan in uu ahaa hogaankii weerarka kooxahaasi ay ku dileen 2 nin kuna dheceen hantidii xawaalada Kaah tiilay.

Hadaba Dhageyso Warbixin ku saabsan Kulankan iyo Wariye Maxamed Deeq Cabdalla MDeeq Warbixin maamulka oo soo bandhigay nin ay so qabteen