Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Hiiraan arimaha siyaasada iyo Amniga ayaa ka digay halis ka soo fool leh deegaanada isku xira Baladweyne iyo buulo burte ka dib markii ay xoogaga alshabaab halkaasi ka geysteen dilal is dabajoog ah .

Maalintii shalay ayay aheyd markii xoogaga Alshabaab ay dil ugu geysteen wada isku xirta labada degmo dhalinyaro ku safrayay oo qaad u siday buulo burte.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR

Dhowaan ayay aheyd markii gudaha Buulo burte ay ka bilowdeen banaan baxyo nabadeed oo dowlada fedraalka loogu cabanayo wax ka qabadka loogaga fadhiyo falalka ka dhacaya gobolkaas ee ay go’adoomintu ka mid tahay.