Maamulka dowlada Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Bakool ayaa maanta waxa uu soo bandhigay deegaano kala duwn oo ka tirsan gobolkaas kuwaa soo ay kala wareegeen ciidamada Dowlada Federaalka ah xoogaga xarakada Alshabaab oo horay ugu sugnaa.

Maamulka ayaa waxa uu sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ay kula jireen xarakada alshabaab ay kula wareegen degaanadan, isagoo sheegay in ay khasaare baaxadleh u geysteen xoogagii ku sugnaa.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Muqdisho ku diyaariyay Wariye Jeylaani Xuseen Nuur.RIIX AMA DAAR

Dagaalada ka socday maalmihii la soo dhaafay gobolkaasi bakool waxaa uu dhaliyay khasarooyin badan iyo barakac baahsan oo saameysay dadkii ku dhaqnaa iyagoo wajahay xaalad culus oo aad u daran, iyagoo sidoo kale gudaha u galay xarumo barakac oo ku yaala xarunta gobolkaas ee Cudur.