Magaalada Baran Xarunta gobolka Sanaag Waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay tababar u soconayay Maamulayaasha Dugsiyada Waxbarashada heer degmo ilaa heer tuulo .

Tababarkan waxaa daadihinayay oo u waday Maamulayaasha wasaarada waxbarashada Puntland xafiiskeeda gobolkaasi Sanaag.

Marwo xayaad Maxamuud Maxamed Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag ayaa faah faahin ka siisay xafiiska SBC ee Gobolka Sanaag tababarkan soo xirmay iyadoo sheegay in uu yahay kii labaad ee ay u qabtaan maamulada Dugisyada Gobolka.

Waxa ay sheegtay Marwo Xayaad Maxamuud in maamulada ka qeyb alay Tababarkan ay kor u dhaafayeen 42 maamul oo ka kala socday dugsiyada gobolka Sanaag ee Degmo ilaa heer tuulo ayna ku najaxeen waxyaabihii laga bartay maamule yaashii ka qeyb galay.

“Tababarkan waxaa qabaneysay Hay’ada Waxbarashada Puntland iyadoo ay ka kaashaneyxo hay’ada unicef, waana mid faa iido ugu jirta maamulayaasha” ayay tiri gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag Marwo Xayaad .

Dhageyso faah faahinta warkan, waxaana inoo soo diray Wariyaha SBC ee Gobolka Sanaag Cawil NaDiiif Suldaan. DHAGEYSO WARIYE CAWIL IYO WARBIXINTISA

Mudooyinkii ugu dambeeyay wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa waday barnaamijyada noocaan oo kale ah kuwas oo ay ku tababareyso kulana shirreyso Maamulada Iskoolada waxbarasho ee ku yaala deegaanada Puntland.

Cawil Nadiif Suldaan
SBC International Baran, Sanaag.