Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonnin ayaa manta dhac u geystay Xawaalada Kaah xafiiskeeda magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari.

Abaare barqo nimadii manta ayaa kooxahani waxa ay gudaha u galeen xarunta xawaalada iyagoo rasaas ay fureen ku dilay labo ka mid ah shaqaalaha xawaaladaasi tiro kalena ku dhaawacay kuwaas oo iminka lagu daweynayo isbitalka  weyn ee magaalada Boosaaso.

Saraakiisha caafimaadka Isbitalka Boosaaso ayaa sheegay in labada nin ee dhintay la kala oran jiray C/waaxid Maxamed Guuleed iyo Xasan Weeyrax halka dhaawac ahaan loogu soo gaarsiiyay C/qaadir Ibraahin iyo Asad Ximbil Cilmi

Ilaa iyo haatan ma jiraan warar faah faahinaya sida ay wax u dheceen inkastoo dad goob joogayaal ah xaqiijiyeen in kooxahaasi ay  baxsadeen ka dib markii ay fuliyeen weerarka ay xawaalada ka geysteen.

Lama oga ila aiyo iminka inta ay la egtahay lacagta ay qaateen kooxdaasi hubeysan iyadoo aan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo masuuliyiinta xawaalada .

Dhageyso wareysi ku aadan dhacdadan.|
Wareysi Mdeeq xawalada KAAH