Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somaliya Ayaa maanta Lagu Wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Shir looga hadlayay Arimaha New Deal-ka, Kaas oo ay kamaqan yihiin maamulada dalka Qaarkood.

Madasha shirkaas waxaa maqnaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxaana ka qayb galay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Shir jaraa’id Oo Uu Kismaayo ku qabtay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac Ayuu maanta si kooban uga hadlay shirka Muqdisho ka furmay Shalay iyo sababta ay Jubbaland uga maqan tahay,

waxaanna uu sheegay in ay dhowaan soo saari doonaan sababta rasmiga ah ee keentay in ay ka maqnaadaan shirkaas, hase yeeshee waxa uu hoosta ka xariiqay in aysan marnaba dhacayn in ay ka qayb galaan shirkaasi Oo kale.

Goordhow ayuu la filayaa in la soo saaro warmurtiyeed Ka soo bixi doonna shirkaasi maalintii labadaad maanta ka socday magaaladda muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Hoos ka dhageyso: