Is qabqabsi dhanka maamulka ah ayaa ka jira Degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ka dib markii dhowan halkasi ay gacanta ku dhigeen ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya .

Wariyaha SBC ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in is qabqabsigaasi siweyn looga dareemay gobolka islamarkaana ay xilka gudoomiye nimada gobolkaas isku heystaan gudomiye yaal kala sheegayana midba dhankiisa in loo soo magacaabay xilkan.

Cabdi Casiis Door oo isagu sheegay in u yahay gudoomiyaha sharciga ah ee ay doorteen shacabka Buulo burta oo u waramay sbc ayaa sheegay in aanay jirin cid ay dowladu u soo magacowday gobolka, ayaamihii la soo dhaafayna uu maq maqlayay nin ku sugan baladweyne oo sheeganaya in uu yahay gudoomiyaha Buulo burte.

Dhageyso faah faahin ku saabsan warkan iyo Wariyaha SBC ee Gobolka Hiiran Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR