Xoghayaha maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi :Waa Nasiib Daro In Madaxwayne Xasan Uu Markale dhaho Matagersani Shirka Kismaayo

Madaxwaynaha dowlada gadaraalka soomaliya xasan shiikh maxamuud ayaa markale kuceliyay mow qifka cad ee uu kataagan yahay shirka maamul usamaynta gobolada jubbooyinka iyo gedo oo kasocda magaalada Kismaayo .

Waxana uu kadhawaajiyay madaxwaynuhu in ay kutalinayaan mar hadii ay yihiin madaxda sare ee dalka soomaliya in shirka kasocda kismaayo shir wada tashi ah loobadalo oo lajoojiyo qorshaha maamul usamaynta gobolada jubooyinka iyo gedo .

Xoghaya maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in nasiib daro ay tahay in madaxwayne xasan uu markale kuceliyo in uusan taagersanayn shirka maamul usamaynta jubbaland.

‘’Anigoon Baacsanyn hadalka madaxwaynaha iyo waliba raysulwasaarihiisaba waxaan kutilmaamayaa nasiib daro waana wax laga xumaado in madaxda dalku ay diidan amaba kazoo horka jeestaan in dalku hagaago,barnaamijkaan aan anaguna wadno waa kahoreeyay dhismaha dowlada soomaliya marka dowlada hataageertaanu leenahay shirka ‘’Sidaasi waxaa yiri Xoghaya maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi.

Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi ayaa sidookale sheegay in shirku uu galay meel xasaasi ah hadana ay socdaan qaban qaabadii ugu dambaysay ee xaflada amaba munaasibada looqabanayo madaxwaynaha cusub ee maamulka jubbaland.

DHageyso Wareysiga Xoghayaha

‘’wajiga sadexaad ee shirkaan waa qabashada doorashada madaxwaynaha iyo xulista baarlamaanka maamulka oo howlahoodu hada ay marayso meel wanaagsan waxaana rajaynaynaa in uu kusoo dhamaado shirku sidii loogu talagalay oo guul ah’’’Sidaasi waxaa yiri Xoghaya maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi.

Dhinaca kale waxa uu si aad ah uga hadlay Xoghaya maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi hadalo dhawaan kasoo yeerayay odayaasha beelaha hawiye ee kusagan magaalada muqdisho kuwaasi oo iyagu sheegay in ay kadigayan in markale ay kaqarxaan dagaalo sokeeye magaalada Kismaayo.

‘’Anaga horta lagama yaabo in markale nalaku haleeyo muqdisho waxa xamar kazoo yeerayana waxaanu kasoo qaadayna wixi labartay ee ahaa in dadka xoolahooda dhac iyo boob loogaysto ninka layiraahdo xaadna iyo waliba kooxdiisa waxaa dhihii karaa waa dambiilayaal waxay kuhadleen waa wax maanta hadii maxkamad cadaalad ah ay jirto lala tiiksan karo waana wax xun in aan waxaan jirin saxaafada laga sheeko oo dadka been loosheego kawaan tooba ayaanu leenahay taageerana ugama baahnin maanta oday xaad ‘’Waxa markale siaasi yiri Xoghaya maamulka kumeelgaar ka ah ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shaafici Cabdulaahi.

Magaalada Kismaayo waxaa xiligaani si habsami leh uga socda shirkii maamul usamaynta gobolada jubbooyinka iyo gedo .

SBC INternational News Desk