Howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka ayaa waxaa laga fuliyay degmada Buulo burte ee gobolkaasi Hiiraan ka dib markii shalay halkaasi uu ka dhacay qarax lagu aasay dhulka kaas oo lala eegtay ciidan ka tirsan kuwa DFS.

Bulshada ku dhaqan Buulo burte ayaa saaka ku baraarugay Howlgal baahsan oo ay wada jir u sameynayaan ciidamada Dowlada SOomaaliya iyo kuwa Amisom ee marka wada galay gudaha Buulo burte .

Gudoomiyaha Degmada Buulo burte ayaa sheegay in howlgalada ay sameynayaan uu ku taxaluqo amaan xoojin islamarkaana ciidanku sameynayaan baaritaano guri guri ah iyagoo ku hareereesmay xaafadaha Buulo burte mar qurana ka bilaabay holwgalada.

Dhageyso warbixin uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys. RIIX AMA DAAR

Mako Beella