Howlgalkan Ayaa Waxaa si wadajir ah Waxaa u fuliyay Ciidamada Nabadsugida Dowlada Somalia iyo  kuwa booliska AMISOM waxaana ay ka fuliyeen Xaafada soonakeey Degmada Hodan Ee Gobolkan Banaadir.

Howlgalkan ayaa waxa uu ahaa mid guri guri loogu baarayay xaafadaha kala duwan Ee Degmadaasi hodan Ee Gobolkan banaadir.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Max’ed Yuusuf Cismaan oo howlgalka kadib la hadlay warfiyeenada ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalkaasi.

Max’ed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay in howlgalkani uu ahaa mid bartilmaameed ah isga oo sheegay in ay ku soo qab qabteen hub farabadan iyo rag katirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hoos ka dhageeyso Codka Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Max’ed Yuusuf.

Xasan max’ed Samater ( Cowke )

SBC, Muqdisho