Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa ugu baaqday dowlada dalkani Kenya in aysan rarin qaxootiga soomaalida ah eek u jira xarooyiinka qaxootiga ee Dadab.

MSF ayaa bayaan ay manta soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay xili hore tahay in qaxootiga lagu celiyo Soomaaliya .

MSF ayaa bayaankeeda ku nuuxnuuxsatay in xaalada amaanka ee Soomaaliya ay wali tahay mid aan wanaagsanayn .

” Elena Vellila,oo ah madaxa MSF ee Kenya ayaa waxa ay sheegtay in adeegyada asaasiga ah ay wali yihiin kuwa aysan qaxootiga ka heli Karin Soomaaliya .

Dowlada Kenya ayaa bilooyiinkii ugu danbeeyay waday qorsha ay ku doonayso in qaxootiga Soomaalida ee ah ku jira xarooyiinka ay dib ugu celiso dalka Somaaliya.

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu ka diyaariyay warkan wariye Baashi Cumar RIIX AMA DAAR

Xarooyiinka qaxootiga ee Dadab ayaa waxa ku jira qaxooti gaaraya 600,000 oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkooda ay xarooyiinka ku sugnaayeen in ka badan 20 sano.

 Baashi Cumar Ismaaciil
SBC International Nairobi