Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa maanta saxaafada kula hadlay magaalada garoowe caasimada Puntland .

Waxa uu gudoomiyuhu u soo jeediyay Baaq nabadeed beelaha walaalaha ah ee ay colaadu ku dhexmaryso deegaano ka mid ah gobolka Karkaar siiba deegaanka Rako iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Wxa uu C/rishiid Maxamed Xirsi ugu baaqay dhinacyada dagaalamaya ee ay colaadu ka dhaxeyso in ay si shaqsi ah u joojiyaan oo dagaal in uu wiil ku dhinto ahee aan wiil ku dhalan,

“Waxaan u soo jeedinayaa Baaqan labada beelood, in colaadooda halkaas ay ku soo afjaraan, waxalaahay guul ka gaarimaayaan oo wanaag dhalimeyso colaaadi, waxan sharuud ahan uga codsanayaa anoo ku hadlaya magaca golaha wakiilada in colaadaas la hurinayo la jojiyo”

DHageyso , RIIX AMA DAAR

Dhinaca kale waxa uu faah faahiyay gudoomiyuhu kalfadhiga baarlamanka Puntland ee soconaya halka uu marayo iyo qodobka laga doodayay maalmihii ugu dambeeyay.

Waxa uu sheegay in xildhibaanadu ay ka doodayeen ilaa khamiistii xeerka lagu dhaqayo maxkamada dastuuriga ah ee ay Puntland yeelaneyso, waxaanu tilmaamay in maanta xildhibaanadu dhageysteen garsoorayaal wax ka sameeyay xeerkan islamarkaana faah faahin ka siiyay.

Waxaana xildhibaanadu xeerkan ka yeesheen dood iyagoo ugu dambeyntii ku riixay gudiga shuruucda golaha wakiilada si ay isugu toosiyaan xeeka .

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC Internationla Garoowe