Magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar waxaa lagu soo afmeeray ka kulanka dhacdo bishii march sanadkan horaantiisii lagu weeraray mid ka mid ah golaha wasiirada Dowlada Puntland .

Duqa degmada Rako oo la hadlay SBC ayaa u sheegay in dhacdadaas uu ku dhintay nin ninkalena uu ku dhaawacmay iminka la soo afjaray ragii ka dambeeyayna loo gacan geliyay xukuumada Puntland,

Wareysi dheer oo uu siiyay SBC International waxa uu duqu ku taabtay dhinacyo badan isagoo tilmaamay in dhacdadan ay dhacday xili gobolku ka jireen xiisado islamarkaana markii la wareystay raga loo qabtay shegeen in ay ku tuuhmeyn gaariga .

Dhageyso wareysiga Gudoonka Rako Raaxo iyo wariye JabraDHAGEYSO

Bishii march horaanteedii sanadkan ayay aheyd markii weerarkan uu qabsaday wasiirka gaancsiga Puntland ali Axmed Gamuute, waxaana ku nafwaayay mid ka mid ah aqoonyahanadii la socday oo markaas isago gaariga ku waday wasiirka, waxaana dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada wasiirka .