Iyadoo labadii maalin ee la soo dhaafay ay dagaalo ka socdeen qeybo ka mid ah gobolka shabeelaha hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ka ambabaxay wafdi balaaran oo ka mid ah gudi dowlada federaalka SOomaaliya u xilsaartay xalinta khilaafaadyada dhaliyay dagaalka ee ka jira halkaas.

Dagaalada ka dhacay gobolka Shabeelaha hoose ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo barakacba sababay, waxaana maanta la soo warinayaa in wafdiga ka baxay Muqdisho ay gaareen degmada Lambar 50 oo ka mid ah gobolka iyago uga sii ruqaansan doona magaalada caasimada gobolkaas ee Marka oo aheyd halka ay ka dheceen dagaalada ugu culus.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo uu Muqdisho ka soo diray Wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf.RIIX AMA DAAR

Dagaaladaasi waxaa ku dhintay sida la xaqiijiyay in dad ka badan 15 qof halka laba jibaar dadkaa oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka shbaeelaha hoosena uu ay ku dhaawacmeen.