GUdiga gaadiidleyda gobolka Shabeelaha dhexe oo ay horkacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa kormeer ku sameeyay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar taas oo waayadii ugu dambeeyay cabasho xoogan laga soo saarayay isticmaalkeeda.

Waxaa la ogyahay in wadadan ay tahay mid istiraatiiji ah halbowlana u ah ganacsiga ilaa gobolada dhexe, waxaana masuuliyiinta gobolka oo marka ay gaareen wadadaasi la hadlay warbaahinta ayaa sheegeen in loo baahan yahay dib u dhis deg deg ah oo wadada lagu sameeyo taas oo ay iska kaashanayaan labada maamul eegobolada Banaadir iyo shabeleaha dhexe.

Mid ka mid ah dadka wada yaasha ah ee wadadaas ayaa sheegay in intii ay ka shaqeynayeen wadadan aysan helin wax dayac tir ah oo lagu sameeyay, isagoo sheegay in mudadaas ay khasaare ka soo gaartay dad ku safrayay.

Dhageyso warbixin faah faahsan oo ay Jowhar ku diyaarisay wariye Mako maxamed Iimaan.RIIX AMA DAAR

Mudooyinkii ugu dambeeyay ayay qeylo dhaan baahsan dirayeen wadayaasha gaadiidleyda isticmaasha wadadaas taas oo ku aadaneyd in wadadu u baahan tahay dayac tir xoogan iyo in ay u soo jeestaan maamulada gobolada ay xiriiriso.