Xaalad degenaansho ayaa laga soo sheegaya deegaan dhaca dhanka bari Degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan, ka dib dagaalo halkaasi ka dhacay.

Ciidamada Dowlada oo ay kaabayaan kuwa Amisom iyo xoogaga xarakada Alshabaab ayaa ku dagaalamay deegaankaas oo lagu magacaabo Xaar xaar oo gobolka ka tirsan, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid coogan oo khasaare sababay.

Taliyaha ciidanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Axme Cabdulle Deer oo la hadlay SBC ayaa shegay in xaaladu iminka degentahay islamarkaana ay jireen dagaalo dhacay shalay balse aanu jirin mid xalay dhacay.

Waxa uu sheegay in dagaalka uu soo af jarmay islamarkaana ay ku taag roonaadeedn ciidanka DFS ayna ka soo qabqabteen hub iyo agab kale waasida uu hadalka u dhigaye,

Dhageyso Warbixin faah faahsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR