Inta la xaqeejiyay ilaa iyo Labo qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay ku dhowaad 5- kalena waa ay ku  dhaawacmeen Qarax Maanta ka dhacay Degmada kaaraan Ee Gobolka Banaadir.

Qaraxani ayaa la sheegay in lagu xeray Gaari Nooca loo yaqaano Noaha oo ay wateen dad shacab ah.

Goobjooge halkaasi ku sugan Ayaa Goordhow u sheegay SBC  in ilaa 2 ruux ay ku geeriyoodeen Tiro kale oo dad ahna ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo katirsan dowlada Somalia ayaa Gaaray Goobta uu qaraxa ka dhacay kuwaasi oo howlgala Iminka ka wada.

Maalin ka hor ayeey aheyd markii qarax ceenkaan oo kale ah oo lagu xeray Gaari uu watay Sarkaal katirsan Ciidamada Nabnadsugida Somalia Degmada X/jajab Ee Gobolka Banaadir.

HOOS KA DHAGEYSO WARBIXIN: