Madaxweyne Gaas oo wareysi uu bixiyay kaga hadlay Waxqabadkoodi Mudada ay xafiiska Joogeen iyo Arimo kale oo Xasaasi ah sida Xiriirka dowlada Federaalka iyo inuu khilaaf ka jiro Dowladiisa ah

Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa wareysi Dhinacyo Badan Taabanaya oo uu bixiyay waxaa uu uga hadlay Xaalada Xilligan ee Puntland Mudadii ay Xafiiska Joogeen Tan iyo Bishii January 2014,

Madaxweynaha ayaa waxaa uu waresyigiisa kaga hadlay Xiriirka Federaalka iyo Puntland in uu wax ka jiro Khilaaf Warbaahinta qaar ay sheegeen inuu u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Madaxda kale Gudgiga Arimaha Federaalka ee Dhawaan la magacaabay iyo Arimo kale Waxaa Waa uu ugu horeyn Madaxweynaha uu ka hadlay Waxyaalihii dowladiisa u qabsoomay Mudda Kooban ee ay Xafiiska Joogaan waxaana uu xusay in howlo badan ay qabteen sida dhismaha inta badan Maamulada Degmoyinka Ku yaala Gobolka Mudug iyo Qaar ka mid ah Degmooyinka Bariga Puntland ayna wadi Doonan ilaa iyo Inta Degmooyinka oo dhan laga sameynayo Maamulka Dowladaha Hoose waxaana uu sharaxay ujeedka socdaaladii kala duwanaa ee uu ku tagay dhul aan inta badan horey loo tegin.

Madaxweynaha Puntland Dr C/weli Gaas ayaa waxaa u sheegay in Dadaalka dowlada uusan yareyn balse ay dowladu Ku dadaali doonto in la helo Lacag shilin somali ah si dhaqaalahu u kobco

C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankale Sharaxaad ka bixiyay Lacag 30 Milyan ah oo dollar ah oo ay dowlada Jarmalka ugu Deeqday Puntland uu ka dalbaday in Wadooyin iyo Ceelal in loogu sameeyo Deegaanada Putnland si dhulka qaarkii oo kheyraad leh ay ka taagan tahay biyo la’aan iyo Wado Xumo .

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa ka jawaabay Su’aal ahayd in Dowlada uu isagu madaxweynaha ka yahay ay ku jiraan dhalinyaro balse tiro ahaan aysan weli daboolin Baahida shaqada ee dhalinyarada waxaana uu xusay in ISbadelada soo socda ay dhalinyarada fursado badan heli donan.

Wareysiga Madaxweyne Gaas uu bixiyay ayaa waxaa uu kaga jwaabay Su’aalo kala duwan waxaana ka mid ahayd ujeedka uu kalaahaa inuu golaha Xukuumadiisa ku soo daro Beelo HOrey aaan Puntland Xillil uga helin jiran oo qaarkood Degan Ismaamulka somalida Ethiopia iyo Gobolada Jubooyinka Waxa uu ula jeeday.

Mudooyinkan waxaa Mareeyaha Internetka lagu Daabacay Warbixino Sheegaya Khilaaf inuu u dhexeeyo Madaxda Sare ee Puntland Waxana Uu madaxweyne Gaas uu sheegay in Arinta Khilaafka ay tahay Waxba kama jiraan .

Arimo kale oo badan islamarkaana ay ka mid taay arinta khilaafka dowlada federaalka kala dhexeeya Puntland ee dhanka dastuurka iyo gudi loo soo magacaabay ayuu ka hadlay madaxweyne Gaas, isagoo sidoo kale sheegay in Sannadka 2016 ay doorashooyin Madaxtinimo ka dhacaan Somalia ayaa C/weli Gaas la weydiiyay Waxa ka jira inuu u Socdo Hogaanka Federaalka Soomaaliya isago taasi gaashaanka u daruuray sheegayna in 5ta sano ee loo doortay Puntland si xalaal ah ku dhameysan doono.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu ka diyariyay wareysi lala yeeshay madaxweynaha Puntland Wariye Maxamed Deeq CabdallaRIIX AMA DAAR