Faah faahin Dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Markab nuuca jariiiflayaasha Oo kusoo caariyay xeebta deegaanka Gaala-ood oo Ku Dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha degmada Eyl Muuse Cismaan Yuusuf iyo iyo Saraakiil Ciidan ayaa deegaankaasi gaaray, waxaanna markabkan Dul heehaabaya Diyaaradu Ku socda jawi Hoose.

Wariye Cabdishakiir Axmed Aadan (Gor-gor) Oo Ku Sugan Dagmadda Eyl Ayaa SBC U xaqiijiyay In markabkaasi Uu Ku Suganyahay Goob masaafa ahaan Ujidha 50 KM Oo Dhinaca Koonfureed kaga beegan Eyl.

Sida uu sheegayo Wariyuhu Waa markii Labaad oo sanadkan oo Markab Noocaan ah ku soo caariyo Xeebaha Dagmadda Eyl Ee Gobolka Nugaal.

HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA: