Degmada Buulo burte ee gobolka Hiiraan waxaa maanta ka dhacay qarax xoogan kaas oo la sheegay in aanu geysanin khasaare badan sida uu xaqiijinayo taliyaha Ciidanka DFS ee Buulo burte.

Taliyaha Buulo burte oo u waramay Xafiiska SBC ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qaraxani uu ahaa mid laga soo buuxiyay gaari lana damacsanaa ciidanka Jabuuti ee halkaasi ku sugan.

Ciidamada Dowlada ayaa halkaas baaritaan balaaran halkaas ka bilaabay iyagoo aan la xaqiijinin ilaa iyo iminka in dad lagu soo qabqabtay baaritaankaas iyo howlagalada ay ciidamada Soomaalida sameeyeen.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan oo uu Baladweyne ku diyaariyay wariye Cismaan Aadan Careys.RIIX AMA DAAR

Ma ahan markii ugu horeysay uu qarax ka dhaco Buulo burte tan iyo intii ay gacan ku heynteeda la wareegeen ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isgarabsanaya, waxaa jiray weeraro horay oo khasaare dhaawac iyo dhimasho ah sababay.