Magaalada Kismaayo gaar ahan Xaafada Via Afmadoow ayaa waxaa ka dhacay habeen nimadii xalay is rasaaseyn xoogan kuwaa soo sababay dhimashada ciidan ka tirsan kuwa Maamulka Juba.

Wariye ku sugan Magaalada Kismaayo oo la hadlay SBC ayaa sheegay in is rasaaseyntu ay bilaabatay ka dib markii ay weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan xarakada Alshabaab xili ay roondeynayeen xaafada Via Afmadoow.

2 Askari oo ka tirsan ciidanka Jubaland ayaa weerarkaasi ku dhintay halka mid kalena uu ku dhaawacmay, mana jiraan faah faahin intaas dhaafsisan oo lahayo inkastoo saraakiil ka tirsan ciidanku sheegeen in xoogagii soo weerary ciidankuna ay goobta dhaawac ka qaateen.

Dhageyso Wariye Siciid C/laahi oo ka mid ah wariye yaasha ku sugan magaalada Kismaayo oo SBC arintan ugaga waramay.RIIX AMA DAAR

Magaalada Kismaayo ayaa maanta aheyd mid bandow ah islamarkaana aysan sidii caadiga ahaa u shaqeyneynin dhaq dhaqaaqyadii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga dadweynaha ee magaalada .