Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhaweeyay isa soo dhiibitaankii uu isku soo dhiibay dowlada Federaalka ee Soomaaliya Hogaankii xoogaga Xarakada Alshabaab ee buuraleyda Galgala Maxamed siciid Attom, isagoo sheegay in talaabada uu qaaday ay tahay mid hor u socod oo soo dhaweyn mudan.

Gaas oo la hadlayay laanta Afka Soomaaliga ee VOA ayaa sidoo kale sheegay in Puntland uu ku soo wargeliyay talaabada uu qaaday Maxamed siciid Attom todobaad ka hor, isagoo carabka ku dhuftay in uu isaga laf ahaantiisa la soo xiriiray uuna u sheegay in ay tahay wax wanaagsan.

Madaxweyne Gaas ayaa intaasi ku daray in uusan oraneynin waa cafis dhanka puntland balse ay kulan ka yeelan doonaan arintiisa Sheekh Maxamed Siciid ayna go’aan ka qaadan doonto.

Dhageyso codka Madaxweynaha Puntland Dr Gaas.RIIX AMA DAAR

Gelinkii dambe ee shalay ayay aheyd markii mar qura uu Sh Maxamed SIciid Attom uu ka hadlay Magaalada muqdisho isagoo shir jaraaid oo uu ku qabtay Madaxtooyadana uu ugu dhawaqay in uu isu dhiibay dowlada Federaalka Soomaaliya.