Dowladda Somalia ayaa shaaca ka qaaday in Isniinta soo socota maxkamada caalamiga ee Qaramada Midoobay loo gudbin doono Dukumintiyada ku aadan dacwada Dowladda Somalia ay ka gudbisay Dowladda Kenya, taasi oo ku saabsan dhanka badda.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xalay Golaha Wasiirada ay warbixin ka dhageysteen labo qareen oo Ajaanib ah iyo kuwa Somali ah oo Dowladda Somalia arintaan ay u xilsaartay.

Waxa uu sheegay in Isniinta soo socota Dukumintiyada dacwada la gudbin doono, wuxuuna sheegay in 150 Page ay ka kooban tahay cadeymaha.

 “Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Loyar oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore leysku dayay in si Wada xaajood ah lagu dhameeyo balse ay suuroobi weysay markii dambana Dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in laga dacwoodo Arrintaas maadaama xadgudub ay Kenya kusoo sameysay Badda Soomaaliya”  Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Kenya ay 8-bil fursad u haysato in kiiskaan ay uga soo jawaabto.

“Sida looyariintu ay noo sheegeen Kenya markaa waxay xaq u leedahay mudo 8-bil ah inay soo diyaariso jawaabteeda, kaddibna fadhiga ayaa billaabanaya waqti ku began March 2016, balse Dowladda Soomaaliya  dukumintigeeda oo ka kaooban 150 page oo ay qoreen Looyaro Caalami ah iyo kuwo Soomaali ah waxaa la gudbinayaa Isniinta soo socot.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay in Dowladda Somalia ay ka laabatay dacwadii dhanka badda, balse Dowladda Somalia ayaa arintaasi beenisay.

DHAGEYSO WARBIXIN: