Wararka ka imanaya degmada Cadaado ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa laga soo sheegayaa xaalad nafaqo daro oo saameyn ku yeelatay Bulshada ku dhaqan degmadaas.

Xaafada galbeed ee degmadaas ayaa la sheegayaa in ay ugu naf waayeen xaalad nafaqadaro awgeed dad ku dhow 4 qof

Dadka u geeriyooday nafaqa darada ayaa waxaa ka mid ah 2 caruur ah iyo hooyo sida la sheegay xaamilo ah, waxaana sido kale jira dad iyagu la liita xaaladan oo ku jira xeryaha ku yala halkaasi.

Dhageyso Warbixin Faah faahsan C/laahi Yare ayaa Gaalkacyo ku diyariyay RIIX AMA DAAR

Gudoomiyaha Degmada Cadaado C/raxmaan C/laahi Xasan oo booqday xaafada ay ka dhacday dhimashada ayaa waxa uu sheegay in ay xerada ku taala xaafada galbeed ee degmadaas ay ku jiraan dad farabadan oo xaalad nafaqo dari ahi heysato .