Deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe islamarkaana lagu magacaabo Buulo Axmed Cigoow ayaa waxaa laga soo sheegayaa in ay ku dhinteen dad farabadan kuwaas oo uu haleelay cudurada jadeecada iyo shuban biyoodka.

Deegaankan oo ka mid ah deegaanada Hoos yimaada Degmada Mahadaay ee gobolkaas ayaa la sheegay in ay cuduradan u dhinteen dad gaaraya 9 qof islamarkaana ay u badan yihiin caruur yar yar.

Mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaqan Degmadaas oo lahadashay SBC ayaa sheegtay in aanay jirin cid u maqan dadkan ayna u le’anayaan cuduradan labada ah aysanna jirin dawo lala tacaalo xiliga uu soo rito cudurku.

Waxaa sidoo kale jira dad farabadan oo iyagu la liita Cuduradan kuwaas oo iminka la soo gaarsiinayo goobaha caafimaad ee deegaanada waaweyn .

Dhageyso Warbixin faahfaahsan oo ay Jowhar ku diyaarisay wariye Maka Maxamed Iimaan.RIIX AMA DAAR