Wararka ka imanaya deegaanka no 50 ee gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay halkaasi ka geeysteen dil iyo afduub .

Wararku waxay intaasi ku darayaan in kooxo hubeysan ay gudaha deegaanka ku dileen haweeney wiil ay ku afduubteen iyagoo aan la ogeyn halka ay ula dhaqaaqeen .

Gudoomiyaha Degmada no50 ee Dowlada Soomaaliya C/laahi Waafoow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidanka dowlada ku howlan yihiin sidii ay kiiskan wax uga ogaan lahaayeen islamarkaana ay u soo qaban lahaayeen xoogaga Afduubka iyo dilka ka geystay lambar konton.

Mudooyinkii ugu dambeeyay deegaanka waxaa ka jiray dilal qorsheysan iyo weliba kuwo ku imanaya aanooyin, waxaana jira colaad u dhexeysa beelo halkaasi wada dega gobolka.

Dhageyso warbixin Faah faahsan oo uu Muqdisho ka soo diray wariye Jeylaani Xuseen YuusufRIIX AMA DAAR