Kaam lagu magacaabo Ajuuraan B oo duleedka magaalada Boosaaso ku yaala ayaa maanta waxaa ka kacay Dab baa bi’iyay hoygii ay ku jireen qosas ka badan 150 kuwaas oo barakac ahaa.

Xildhibaan C.nuur Galeyr oo ka mid ah xildhibaanada Golaha deegaanka Boosaaso ayaa SBC ugaga waramay Dabkaasi isagoo ku sugna goobtii dabka uu ka kacay.

Waxa uu xildihbaanku sheegay in dabkan uu kacay markii labaad habeen iyo maalin ka dib maanta dhamaanna badbeeliyay guryihii ay qosaskaani degenaayeen kuwaas oo ka sameysnaa cooshado la isku keen keenay.

Dhageyso Xildhibaan Galeyr. RIIX AMA DAAR

Waxa uu xildhibaan Galeyr intaasi ku daray in loogaga baahanyahay qeybaha kala duwan ee ganacsatada iyo Hay’adaha samafalka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gar gaaraan dadkan tabaaleysan oo dabkii qabsaday maanta guryahooda uu meel banaan ah dhigay.

SBC International Boosaaso