Odayaasha iyo waxgaradka ku nool Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxay si xoogan kaga horyimaaden in Magaaladu uu booqasho ku yimaado Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseeen Guuleed.

Caabudwaaq waxaa hadda ku sugan Oo Galabta gaaray Ku Xigenka Cabdirkariin Guuleed Oo Isagu Ka soo Jeedda Deegaankaasi.

Bulshada reer Caabudwaaq oo u muuqato kuwo taageersan Madaxweynaha lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxay si weyn u qaadaceen in C/kariin Xuseen Guuleed uu cagta soo geliyo Caabudwaaq.

Guuleed, ayaan sidoo kale taggi karin Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Xeraale, oo ka mid ah Magaalooyinka ay ka arrimiso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Gudoomiyihii Hore Ee Dagmadda Cabudwaaq Axmed Jaamac Dhirif Oo La Hadlay SBC Ayaa faah faahin ka bixiyay Guddi amni oo deegaankaasi laga abaabulay.

Guuleed waxa uu toddobaadkii hore ku dhawaaqay inuu wada hadalo la furi doono Cidkasta Oo Dhaliilsan Maamulkiisa, si labada dhinac ay halmeel isugu yimaadaan.

Hoos ka dhageyso Wareysiga: