Taliska ciidamada Birmadka Police-ka ee gobolka Mudug ayaa Maanta kulan saxaafadeed uu ku qabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug waxa uu kaga warbixiyay howlgalo maalmihii ugu dambeeyay ay ka wadeen gobolka.

Howlgaladan ay wadeen ciidamada Birmadka waxa ay xooga ku saarayeen sidii ay u soo qab qaban lahayeen dadka iyagu ka dambeeya ama ka shaqeeya waxyaabaha muqaadaraadka iyo kuwa ku howlan falalka qalqalgelinta Amaanka gobolka .

DHame Ilyaas Isxaaq Maxamuud ayaa sidaasi u xaqiijiyay saxaafada isagoona tilmaamay in amaanka Gaalkacyo ay siweyn uga shaqeeyaan ayna diyaar u yihiin in ay ka sii shaqeeyaan shacabkuna ay garab weyn ku siiyaan ciidanka.

Taliyaha waxa uu sidoo kale ka warbixiyay Xaaladaha guud ee amaanka gobolka shaqada ay ka hayaan dhanka Amaanka iyo ka hortaga waxyaabaha Qalalka Amniga .

Dhageyso Warbxiin ku saabsan Warkan iyo Wariyaha SBC International ee Gaalkacyo Liibaan Qaran.DHAGEYSO