Laamaha Amanka magaalada Muqdisho ayaa maanta soo bandhigay ciidan la shegay in loogu talagalay in ay sugaan amaanka magaalada xiliga bisha ramadaan.

Afhayeenka guud ee laamaha Amaanka Qaasim Axmed roobleh ayaa la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in ujeedada ciidankan ay tahay in la afar jibaaro howlagalada sifeynta ah ee ka socda wadanka, islamarkaana ay tiradoodu tahay 1500.

Dhageyso warbixin faahfaahsan oo uu Muqdisho ku diyaariyay wariye Jeylaani.RIIX AMA DAAR

Ciidamadan ayaa loogu magac daray nabad ku afura waxaana ay isugu jiraan dhamaan ciidamada Qalabka sida ee DOwlada federaalak waxaana la sheegay in howlgalkooda uu noqon doono mid afar jibaaran oo inta ka dhiban ramadaankana ka sameyn doonaan magalada Howlgal kuwii horay ka adag oo lagu sifeynayo waasida hadalka loo dhigaye.